Sawiro:–Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku meelmariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taas oo Maalmahaan ay dood adag ka lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/wali  Ibraahin Sheekh Muudeey ,waxaana kulanka soo xaadiray 164 Mudane,iyadoo 162 ka mid ah ay Ogolaadeen Miisaaniyadda 2018 in ay Ansax tahay,halka mid kamida uu diiday,midna ka aamusay.

Guddoomiye  Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka C/wali  Ibraahin Sheekh Muudeey ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay tahay Ansax oo ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

b1 b2 b3 b4 b5 b6

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *