War Deg-deg: Ciidamada ammaanka oo gudaha u galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid

Muqdisho | QOL | December 29, 2017 – Ciidamada ammaanka ayaa goordhow gudaha u galay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Senator Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal.

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senator Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatarka.

Hoyga Senator aqalka sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka.Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *