Madaxweyne Farmaajo oo xariga kajaray garoonka cusub ee diyaaradaha Garowe

Garoowe | QOL | January 08, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Munaasabada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

garoonka-garonka-5 garoonka-garonka-2 garoonka-garonka-1 garoonka-garonka-3 garoonka-garonka-4

garoonka-garonka-6

.garoonka-garonka-8 garoonka-garonka-7 garoonka-garonka-5

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *