Dhagayso:-Maamulka Hirshabeelle Oo Guddi u Saaray amni Daro Ka jirta wadooyinka Maamulkaasi

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Waxaa maalmahan dambe ay amni daro ka jirtaa wadooyinka soo gala degaanada Hirshabeelle, gaar ahaan wadooyinka xiriiriya Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, iyada oo ay ka dhacaan weeraro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa waxa ay Guddi u saareen amni darada ka jirta wadooyinka Hirshabeelle, in ay qiimeyn ku soo sameeyaan.

Khaliif Muumin Tooxow oo ka tirsan  Baarlamaanka Hirshabeelle oo la hadlay Qaranimo Online  ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay shacabka Hirshabeelle in ay ku noolaadaan nabad iyo si xoriyad ah.

Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta wadooyinka degaanada Hirshabeelle gaar ahaan wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *