Madaxweyne Xaaf oo Cadaado laga mamnuucay.

Muqdisho b | QOL | January 19, 2018 – Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Cadaado ayaa kulan ay yeesheen kadib waxay soo saarayn war Saxaafadeed ka kooban 4 qodob.

Qodobada ay soo saareyn waxaa ka mid ah in deegaanada ay degaan dadka reer cadaado ay amaankooda mas’uul ka yihiin maamulada u jooga laguna qaban karin shirar lagu taageerayo Heahiiskii Ahlusunna iyo Galmudug iyo kulamo kale oo aysan odayaashu ka warqabin.

https://www.youtube.com/watch?v=3i9K0lshRzU&t=9s

Sidoo kale odayaasha ayaa Cadaado ka mamnuucay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna sheegeen in uusan ku soo laaban karin Cadaado Islamarkaana dhax mari karin dhulkooda sida ay hadalka u dhigayn.

Dhaqanka reer cadaado ayaa Madaxda Dowladda ka dalbaday in Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir aysan u aqoonsan Madaxda Galmudug.

Jahwareer kale ayay lugaha la sii galeysaa Galmudug oo dhawaan guul gaartay soo xera gelinta Ahlusunna.

vvv1111

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *