Dhagayso:-Xaalada Suuqa Bakaarah Oo Saakay Aan Caga Balaanarn Ku Taagneeyn

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 —Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uusan furneen Suuqa weyn ee Bakaaraha qeybahiisa kala duwan ee Suuqaas sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Qaranimo   la hadlay.

Xernaashiyaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka danbeysa ka dib markii Ganacsatada Suuqaas ay shalay sheegeen in ay joojinayaan Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *