Wadooyin Muhiim ah Oo Caawa Xiran

Muqdisho | QOL | 20  February, 2018–waxaa galabta ilaa caawa xiran qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo ay ciidamada Booliska ka Celinayaa Gaadiidka balse shacabka loo ogolyahay in ay ku lugeeyaan.

Wadooyinka xeran waxaa kamid ah Km4 ilaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho Dadka ayaana  ah galabta ilaa caawa kuwo lugeynaya iyadoona hareeraha wadooyinka ay taaganyihiin ciidamada Amaanka ee Dowlada Somalia.

wali si rasmi ah looma oga sababta ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinkaan ee Galabta ilaa caawa ah kuwo xiran waxaase wadooyinka in la xiro loo bartay xiliyada ay Magaalada ka dhacayaan shirar calami ah ama wafuud caalami ahi soo gaareyso.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *