Qarax lala eegtay Ciidamada Kenya

Muqdisho | QOL | 25, February 2018 —Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwo dowladda Kenya .

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso , waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Kenya ayaa maraayay inta u dhaxeysa  Buusaar iyo Ceelwaaq .

Mid ka mid ah Gawaarida dagaalka ayaa la sheegay in uu qabsaday Qaraxa, waxaana adag helida macluumaadka ku saabsan qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa gurmad u diray goobta uu qaraxu ka dhacay sidda ay xaqiijiyeen warbaahintra Kenya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *