Qarax ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho

Mogadisho | QOL | March 22, 2018 – Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, oo agdhawan  goobta, iyaga oo markii danbe xirey halka uu qaraxa ka dhacay.

Gadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Qarax_hotel_Weheliye

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *