Wasiirka Socdaalka Canada oo dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay safaarad ka furato Toronto

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 –  Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka Canada Axmed Xuseen ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ah eee Soomaaliya ugu baaqay in ay safaarad ka furato Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wasiirku waxaa uu sheegay in uusan hadda jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo ka dhaxeeya Dalalka Canada iyo Soomaaliya,taasna ay sabab u tahay in labada dal aysan iska warqabin.

Waxaa uu ka hadlayay munaasibad uu $18milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu gudbinayay dadka ay abaaraha iyo fatahaadaha ku saameeyeen Gudaha Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xuseen ayaa sheegay in lacagtaas ay dowladda Canada marsiineyso Hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey maaddaama aysan xiriir toos ah lahayn Soomaaliya iyo Canada.

Waxaa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay Soomaaliya Safaarad ka furato Toronto si xiriirka labada dal uu toos u noqdo islamarkaana Kaalmada Canada ee Soomaaliya ay toos ugu dhacdo dowladda Federaalka ah.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Dowladda Canada ay sanadkii la soo dhaafay $29 milyan oo doollar ku bixisay kaalmada Soomaaliya iyada oo marsiisay Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Soomaaliya.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *