Xildhibaanada Aqalka Sare oo Cabasho ka ah Madaxtooyadda

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Cabasho ka yihiin Madaxtooyadda Soomaaliya oo ay sheegeen in mararka qaarkood lagu dhibo.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in Madaxtooyadda aysan aqooneyn Xildhibaanada Aqalka Sare, islamarkaana marar qaarkood ay la kulmaan dhibaato.

Waxa ay sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya aysan sidoo kale aqoonsaneyn Xildhibaanada Aqalka Sare.

Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayay sheegeen in ay ka hor istaageen shaqooyin dastuurku u idmaday.

Aqalka Sare ayaa waxaa uu jiraa wax yar ah Hal Sano iyo bar, waxaana dadka qaarkood ay ku wareersan yihiin shaqooyinka ay qabtaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *