Madaxweynaha Jabuuti iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan yeeshay

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax, Saraakiil Ciidan oo ka kala socotay labada dalka iyo masuuliyiin kale.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Soomaaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabadgelyad.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dowladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee loogu soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil-Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

teliyaha-boliska-somlaia-jabuuti-3 teliyaha-boliska-somlaia-jabuuti-2 teliyaha-boliska-somlaia-jabuuti-1

.

W/Q:-B ashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *