Biyihii fatahaada Wabiga Shabeelle oo guray Xaafado ka mid ah Beledweyne

Muqdisho | QOL | May 08, 2018 – Isbedal ayaa laga dareemayaa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan inta badan ay ka barakaceen dadkii kunool ka dib markii uu Fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle.

Meelaha qaar ee Magaalada  gudaheeda, ayaa la arkayaa biyaha inay gureen, islamarkaana dadka ay yihiin kuwa soo galaya Magaalada gudaheeda.

Qaar ka mid ah Shacabkii kunoolaa Magaalada ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan Xaafadaha qaar , inkasoo ay wali taagan tahay Cabsidda in Mar kale uu wabigu Fatahaad uu halkaasi ka sameeyo.

Laakiin shacabka reer Hiiraan, ayaa waxaa haysta walaac cusub oo la xiriira fatahaad hor leh oo Wabiga Shabelle uu ka gaysto Magaalada Baledweyne gudaheeda.

wabiga-shabeele-1 wabiga-shabeele-2 wabiga-shabeele-3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *