Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Ankara

Muqdisho | QOL | July 8, 2018 –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow u dhoofay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay ka Ambabaxeen dalka Jabuuti oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga oo dhawaan dib loo doortay.

Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waddaa in ay bari ka dhacdo Ankara,iyadoona ay ka qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Caalamka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *