DFS Oo Faah Faahisay Booqashada Taariikhiga Ee Madaxweyne Farmaajo Ku Tagayo Eritrea

Muqdisho | QOL | July 2018 –  Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya  Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Maanta booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.

Mudane; Geelle ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Eretria ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhawaan ay heshiis wada gaareen mudo 20-sano ka dib dowladaha Itoobiya iyo Eretria oo mudo uu dagaal ka dhaxeeyey.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *