Faahfaahin Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | July 28, 2018 – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa kasoo baxayaan Qarax Saaka ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Galmudug meel aan siddaasi uga fogeyn xarunta Ciidamada Asluubta.

Sidda ay Qaranimo Online u xaqiijiyeen dadka degaanka Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga ayaa midna ku dhintay mid dhaawacmay ka dib Markii gaari ay wateen oo Noociso yahay Gaarib uu qarxay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Mid gaariga lagu xiray sidda ay inoo sheegeen Goobjoogayaal.

Qaraxa ka dib Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo Meydka Askarta.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale howlgallo ka wadda goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadda lagu xiro gawaaridda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dhowr qof.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *