Wasaaradda Arrimaha Dibada oo jawaab ka bixisay falkii ciidamo hubeysan ku galeen xarunta wasaaradda

Muqdisho | QOL | August 6, 2018 – War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay dhacdadii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday Xarunta Wasaaradda,isla markaana Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay ku galeen Xaruntaas,iyaga oo doonayey in ay xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas Muqtaar Mahad Daa’uud.

Wasaaradda ayaa cambaareysay falkaas,iyada oo ku tilmaamtay in uu ahaa mid lagu sumcad dilayey mas’uul dowladeed oo xilkiisa gudanaya,waxa ayna been abuur ku tilmaamtay eedeyntii la xiriirtay musuq maasuqa oo ay Wasiir ku xigeenka u jeediyeen Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

 wareegto-wasaarada-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *