Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo Addis Ababa loo qaaday

Muqdisho | QOL | August 7, 2018 – Ciidamada Milatariga Federalka Ethopia ayaa Diyaarad Noocaca Qumaatiga u kaca ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Saraakisha Ciidamada Milatariga ayaa marki hore Cabdi Maxamuud Cumar uga yeeray Xerada Ciidamada ee Garabcase kadibna kaga qaadeen Diyaarad Aircopter ah iyadoon ilaa & hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen, inkastoo Wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweynihi hore ee DDSI loo qaaday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethopia.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *