Taliye Gorod oo Amar siiyay Ciidamada xoogga dalka

Muqdisho | QOL | August 14, 2018 – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka in ay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Taliye Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo military.

Waxaa uu  digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

Wuxuu yiri “ Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jiraa xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaaso mas’uuliyad kaa saran in aad dhowrtid”

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *