Madaxweyne KMG oo loo doortay DDSI

Muqdisho, Ogoosto 23, 2018:Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Mustafe Cagjar ayaa lasoo shaqeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda OCHA.

Isbedelka ka dhacay Dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu u horseedo deegaanada dowlad deegaanka Jawi deganaansho iyo Siyaasad wada qaybsi ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *