WASIIRRO KA TIRSAN DOWLAD DEGAANKA SOMALIDA ITOOBIYA OO LAGU XIRAY HARGEYSA

Muqdisho, Ogoosto 23, 2018:Wasiirro ka tirsan Maamulkii Cabdi Maxmauud Cumar ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu xiray Magalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirrada la xiray ayey Somaliland sheegtay in ay si sharci darro ah ku galeen Somaliland islamarkaana doonayeen in ay u baxsadaan dalka dibaddiisa.

Wasiirrada la xiray ayaa kala ah Wasiirkii Waxbarashada ee Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar Ninka lagu magacaabo Ibrahim Adam Mahad iyo Wasiirkii Caddaaladda Cabdi Jaamac oo ay Somaliland sheegtay in si dhuumasho ah ay Wajaale uga gudbeen.

Labada Wasiir ayaa la sheegayaa in muddo hal todobaad ah ay ku sugnaayeen Magaalada Haregysa,iyaga oo doonaya in ay ka dhoofaan Garoonka Cigaal ee Somaliland gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha amaanka Maamulka Somaliland ee Wasiirradan qabtay ayaa sheegay in markii wasiirrada la weydiiyay waxa ay yihiin kuwa jawaabeen in ay ka mid yihiin Ganacsatada Xoolaha ee Soomaalida.

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *