Shir ka furmay Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka qeyb galeysa

Muqdisho | QOL | September 3, 2018 – Magalada Kismaayo ee Xaruna Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka furmay shirka Billaha oo ay yeeshaan bishii mar Guddiga Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Amniga,iyada oo ay isku-xog wareestaan Hay’adaha Amniga Maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,waxaana goobjoog ka ah Saraakiisha Ciidamada Amniga Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

Gaba gabada Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Maamulkaas.

shir-kismaayo-1 shir-kismaayo-2 shir-kismaayo-3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *