Qarax ka dhacay Nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho | QOL | Sepetmebr 15, 2018 –  Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka koofi gaduuda ku leeyihiin Tiyaatarta Qaranka.

Hal qof oo la sheegay in uu waday gaariga Qarxay ayaa goobta ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qof kale sidda ay sheegeen goobjoogayaal.

Warar ay heshay Qaranimo Online ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga qarxay uu lahaa xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan,islamarkaana uu dhaawac soo gaaray ,halka uu dhintay darawalkii gaariga waday.

qarax-tiyaaraka

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *