Gudoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Gobalka Hiiraan

Muqdisho | QOL | September 23, 2018 –Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), isagoo xilka ka qaaday Guddoomiyihii xilkan hayay C/llaahi Axmed Iimaan.

Madaxweynaha ayaa Muddo Hal sano ah Saddex Gudoomiye u magacaabay gobolka Hiiraan.

C/llaahi Axmed Iimaan ayaa xilkan hayay muddo shan bilood ah, iyadoo bishii April loo magacaabay, taasoo magacaabisteeda muran ka dhashay, kaddib markii xil ka qaadista uu diiday Cali Jeyte Cusmaan Guddoomiyihii ka horeeyay.

p1

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *