Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo dhaliilay safarka Farmaajo ee Marka

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta safar ku tagay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna booqday ciidanka xoogga dalka guutada 14-ka October.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Xasan oo la hadlay Qaranimo Online  ayaa wuxuu sheegay in aan lagu soo wargelin in madaxweynaha uu tagayo magaalada Marka, midaasina ay dhaliilayaan.

Wuxuu sheegay Maxamed Ibraahim ilaa hadda in uusan garan karin sababta loogu soo sheegi waayay maadaama uu yahay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo xubnaha la socda ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, islamarkaana soo gaba gabeeyaan safarkooda Marka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *