Tacsi: Marxuum Danjire Abdulahi Xasan

Abu Dhabi – UAE | 23/11/2015: Anigoo kuhadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Danjire Abdulaahi Hassan Mohamud oo ku geeriyooday dalka masar 22tii November 2015.

Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo xilal kala duwan ka soo qabtey Dawladdii Soomaliya ayaa ahaa rug-cadaa dhinaca diblomaasiyadda iyo siyaasadda, wuxuu ahaa aabaha diplomasiyada soomaaliyeed, run ahaantii waxaana ka dhinteyd Umadda Soomaaliyeed qof aad u qeyma badan Allaha u naxariisto Marxuum Danjire Abdulaahi Hassan waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIM.

 

 

.

Cabdulqadir Shiikhey Al-hatimi

Danjire

_________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *