Mehmet Yilmaz oo loo magacaabay Danjiraha Turkiga ee Somaliya

Muqdisho, Nofeembar 10, 2018 —Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayid Erdogan ayaa shalay oo Jimco ahayd shaaciyay magacyada danjirayaasha cusub ee Turkiga u fadhiyi doona qaar ka mid ah Waddamada ay saaxiibadayihiin.

Danjirayaasha la magacaabay waxaa ka mid ah Mehmet Yilmaz oo Dowladda Turkiga u magacowday Danjiraheeda cusub ee Soomaaliya.

Yilmaz ayaa beddeli doona Olgen Olgan Bekar,kaas oo shaqeynayay afartii Sano ee ugu dambeysay,waxaana uu xilkaas dhawaan ku wareejin doonaa Mehmet Yilmaz.

Danjirayaasha kale ee shalay wareegtada ku soo baxay waxaa ka mid ah kuwa loo kala magacaabay dalalka Senegal,Morocco,Benin, Gariigga iyo Mali.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *