Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 20, 2018 –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Wafdiga madaxwaynaha oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa mudada sadexda maalmood ah ee ay dalkaasi joogaan waxa ay la kulmi doonaan Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte iyo Madaxwaynaha dalkaas  Sergio Mattarella.

Waxay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada dawladood ahaa ahaa mid taariikhi ah iyo iskaashiga cusub ee Talyaaniga iyo Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *