Xildhibaano Dacwad Ka Gudbiyay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 –Xildhibaano uu horkacayay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xilhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Mahad Cabdalla Cawad uu si qaldan u maamulay kulankii Sabtidii ee Golaha Shacabka,kaas oo looga doodayay Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Qoraal uu qoray Xildhibaan Mahad Salaad ayuu kaga dalbaday Guddoonka Baarlamaanka Soomaliya in tallaabo sharci ah laga qaado Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka,waxaana uu cuskaday qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka oo dhameystiran

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *