Dil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Koox hubeysan ayaa nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade waxa ay  barkhanimadii maanta ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in qeybta sare ee jirka ay ka toogteen Marxuum Cumar Arbacow oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacstada degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa Qaranimo Online  u sheegay dhalinyarada dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ganacsato iyo waliba dad u shaqeeya shirkado si gaar ah loo leeyahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *