Xildhibaano Golaha Shacabka Oo Mooshin Ka Keenay Heshiisyo Ay Gashay Dowladda Somalia

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is afgaradyada dowladda Federaalka la gashay dalal shisheeye.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin 10 ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay Guddoonka Golaha,waxaana ay ka dalbadeen inuu furo dooda ku saabsan heshiisyada ay dowladda hadda jirta la gashay dalalka Shisheeye.

Qoraalka Xildhibaanada soo saareen ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in aan Sha

cabka Soomaaliyeed lala wadaagin heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya

 

 

W/Q:-Bashiir Barre AliĀ 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *