Madaxweynaha Faransiiska oo qabanaya shir deg deg ah

Mogadishu | QOL | December 10, 2018—Emmanuel Macron Madaxweynaha Faransiiska  ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato ururada midowga shaqaalaha iyo shaqaalaha dalkaasi si loo dajiyo rabshadaha dhawaan ka dhacay magaalada Paris iyo magaalooyin dowr ah.

Kulan maanta uu madaxweynaha Faransiiska la qaadanayo ururada shaqaalaha ayaa la filaya in shaaca looga qaado tallaaboyin looga hortagayo rabshadaha.

Dadka uu kulanka la qaadan doono Macron waxaa kamid dad matalaya ilaa shan ururada shaqaalaha iyo saddexda kamid ah ha’yadaha shaqaalaha.

Dalka Faransiiska waxaa hareeyay dibadbaxyo qalalaase wata oo ay wadeen dad kasoo horjeedo canshuurta shidaalka dalkaasi oo sare loo qaaday.

Ku dhawaad dad gaarayo 136,000 qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka maaliyadda dalkaasi, Bruno Le Maire ayaa ku tilmaamay dibadbaxyada ‘masiibo ka dhan ah ganacsiga iyo dhaqaalaha’.

Meelaha sida ba’an ay u saameeyeen rabshadaha waxaa kamid ah magaalada Paris, burbur ayaa soo gaaray qaar kamid ah dhismooyinka magaalada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *