Kulan ka socda Xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka

Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa goor dhow isku yeeray Guddiyadda Joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana hadda soconaya kulan looga hadlaayo xaalad qasan ee golaha.

Kulanka ayaa hadda ka socda xarunta Villa Hargeysa, waxaana ku sugan inta badan Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in laga saaro go’aamo ku aadan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankaan ayaa yimid ka dib markii labada Ku xigeen iyo xoghayaha baarlamaanka ay sheegeen in uu buray Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Wali lama ogga go’aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee ku aadan Go’aanka ku xigeenada iyo waliba Xoghayaha.

Wixii kusoo kordha kala socoQaranimo Online 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *