Sawirro:-Shir Looga Hadlayay Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Muqdisho Ka Furmay

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019–Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka Jamaal Xassan ayaa shir Gudoomiyay Shir looga hadalayay Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed ee 2020-2024 kaas oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa gaar u ahaa Hay’addaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socoda Golaha Wasiirrada maamulkaasi iyo Madaxda Sare Wasaaradda Qorsheynta.

Kulanka ayaa looga hadlay dar dargalinta diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaran ee soo socda iyo qaabkii talo looga galin lahaa bulshada maamulkaasi iyo waxyaabaha muhiimada u leh Dowladd gobaleedkaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa bogaadiyay dadaalada ka socda Hirshabeele ka Wasaarada qorsheynta ahaana ay diyaar u tahay in ay wax la qabato Isla markaana loo Wada shaqeyo hanaan ay ku jirto Dowladnimada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *