Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir Bilaabaya Hubinta Tayada Qalab Laga Keeno Dalka Dibadiisa

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga iyo Siyaasadda ayaa sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ka hirgelin doonto Sheybaarka Dhismaha si loo hubiyo Tayada Qalabka dhismaha ee Dalka Dibaddiisa laga keeno.

Mudane Fiidow ayaa Xusay in Saddex Shirkadood ay ku Tartami doonaan,shirkaddii ku guuleysatana la siin doono Qandaraaska Sheybaarka dhismaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bishaan Gudaheeda la dhisi doono Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan oo dhawaan ku bur buray Weeraro ay Al-shabaab geysteen

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Dadaal ugu jira in kor loo qaado Adeegyada Bulshada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *