Sawirro:-24 Saac Gudahood Wafdi Heer Caalami Ah Oo Ka Degay Magalada Hargeysa

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku tegay Magalada Hargeysa,iyaga oo halkaasi kulan ku yeeshay.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirkaka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Turkiga iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *