Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay weerarkii Nairobi

Muqdisho | QOL | January 16, 2019 –War-saxaafadeed ka Soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *