Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Lix Wasaaradood

Muqdisho | QOL | January 17, 2019 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dowladda ayuu u jeedkiisu ahaa adkaynta isla xisaabtanka ee ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha Dowladda.

.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *