Baarlamaanka Turkiga Oo Mudo Kordhin U Sameeyay Ciiddankooda Ku Sugan Somalia

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Mudanayaasha Barlamaanka dalkaasi waxay shalay ansixiyeen xilli-kordhinta Ciiddanka Turkishka ee ka hawl-gala Deegaanadda Istaraatijiyadda ee ku yaalla Somalia, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed.

Barlamaanka dalkaasi waxay sheegeen inay ansixiyeen Mooshin ay Xukuumadda Turkiga u soo gudbiyeen oo ku aadanaa ansixinta xilli-u-kordhinta Ciiddankaasi, iyadoo la isku raacay inay ciiddankaasi sii hawl-galaan ilaa bisha Feberaayo 10-da ee sanadka soo socda ee 2020-ka.

Waa markii 11-aad ee Barlamaanka Turkiga ansixiyaan in Ciiddamo loo daad-gureeyo, kana hawlgalaan Xeebaha somalia, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed oo uu Barlamaanka Turkiga markii ugu horreysay ansixiyeen sannadkii 2008-da

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *