Pakistan Oo Laga Soo Riday Diyaarad Dagaal Iyo Duuliyihii Oo Badbaaday

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee Pakistan, oo nooceedu ahaa F16 ayaa la sheegay in saakayto lagu soo riday xuduudka Gobalka Kashmiir.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalka Hindiya ayaa l;lagu sheegay inay toogteen Diyaaradaasi oo ku soo xad-gudubtay Hawada dalka Hindiya.

Duuliyihii Diyaaraddaasi ayaa la sheegay inuu Baarshuut kaga booday Diyaaradda, ka hor intaysan ku hoobanin gudaha xuduudka Pakistan.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday Dooxadda Laam oo ka tirsan Degmadda Nowshera ee Gobalka Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *