Amaanka Magaalada Boosaaso Oo La Adkeeyay Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Ku Wajahan

Muqdisho | QOL | Maarso  29, 2019 –Amaanka magaalada Boosaaso ee gobala Bari ayaa maanta si weyn loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada ciidamo gaaf wareegaya kuwaas oo xaqiijinaya amniga.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Dani ayaa maanta ku wajahan magaalada Boosaaso isaga oo safar dhulka ah ku tegaya,ujeedada safarkiisa ayaa qeyb ka ah safaro horal loo qor sheeyay kuwaas oo uu ku tegayo magaalooyinka muhiimka ah.

Safarka Madaxweynaha Puntland ee Boosaaso waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo falal amni daro ay ka dhaceen gudaha magaalada oo ay ka mid ahaayeen dilal loo geystay Salaadiin iyo dad kale oo caan ka ahaa Boosaaso.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *