Madaxtooyadda oo ka hadashay Agaasime taageero u muujiyay Israel

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadda ka ceyriyay  C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka.

Dhool ayaa shaqadda looga eryay ka dib markii uu taageero u muujiyay Isael, islamarkaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo Israel ay yeeshaan Xiriir Wanaagsan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Soomaaliya ee Geneva ka dib markii ay ka aamustay Qaraar Caalami ah oo Yahuuda looga soo horjeeday.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *