Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho | QOL April 1, 2019 –War Goordhow soo gaaray Shabakada Qaranimo Online ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in degmada Waabari ee Gobolka Banaadir lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana Askari ka tirsan Ciidanka dowlada uu u geystay Wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto Bajaajta.

Sidoo kale waxaa la sheegay askariga iyo Darawalka uu soo kala dhexgalay falkan inta uusan dhicin kahor muran,hayeeshee markii dambe uu rasaas uga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa uuna goobta ku geeriyooday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa Meydka ka qaaday dad shacab ah  oo goobta xiligaas ka Agdhawaa,waxaana Ciidamada amniga gacanta ay dhigeen askarigii ka dambeeyay falkaas.

Askarta ka tirsan Ciidan dowladda ayaa inta badan Magaalada Muqdisho ku dila Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,mana jiro cid ka hadashay dilalkaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *