Haweeney Soomaali Ah Oo Ku Dhoofi Laheyd Baasaboor Macmal Ah Oo Lagu Qabtay Kenya

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –Haweeney Soomaali ah oo magaceeda lagu sheegay Muna Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay ganaax dhan 5 million oo Shillinka Kenya, kadib, markii lagu soo oogay inay si sharci-darro ku joogtay Kenya iyo inay ku dhoofi lahayd Baasaboor laga lahaa dalka Jeek Republic oo la been abuuray. Garsoore Edna Nayaloti ayaa loo sheegay in Muna Cabdi Xuseen bishii hore ee March 15-dii lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee

Moi International Airport. Xilli ay doonaysay inay u dhoofto dalka Belgium, iyadoo isticmaalaysa Baasaboorka dalka Jeek Reboblik oo la been abuuray.

Muna Cabdi Xuseen oo qiratay Dembiga lagu soo oogay waxaa lagu ganaaxay 5 million oo Shillinka Kenya, iyadoo haddii ay bixin weydo muteysan doontaa waxaa loogu bedeli doonaa Xabsi 38 bilood ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *