Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale Casumaad u diray Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda Ammaanka dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasumaaddaan ayaa todobaadkaan gaartay Madaxda maamul goboleedyadda, waxaana shaki badan laga muujinaya suurtagalnimadda in ay yimaaddaan Muqdisho xilli uu baaqday shir horay loogu ballamay in uu ka furmo Garowe Bishii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay Madaxda maamul goboleedyadda in uu shirkaan yahay Mid muhiim ah oo ka duwan shirarkii hore.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *