Baarlamaanka Algeria Oo Dooran Doona Madaxweyne Ku-Meel-Gaar Ah

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka dalkaasi kulan yeelan doonaan maalinta Isniinta ee soo socota, si ay u doortaan Madaxweynaha bedeli lahaa C/casiis Butafaliiq oo dhawaan iska casilay xilkaasi, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo looga soo horjeeday.

Wakaalladda Wararka dalkaasi ee APS News Agency  ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Barlamaanka, C/qaadir Bin Salax oo 77 jir ah loo dooran doona Madaxweynaha Cusub, kaasi oo xilka hayn doono inta laga dooran doono Madaxweynaha rasmiga ee dalkaasi muddo 90 malamood gudaheeda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *