Sawiro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaan Dawalada Turkiga aan heshiis kula Galnay In Lasoodhamaystiro Tababarka 5000 Oo Askari ”

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB.

Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/2307284376153102/

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *