SAWIRO:-Madaxda Galmudug iyo Xildhibaan Mahad Salaad oo ku kulmay Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2019 —Shalay gelinkii  Dambe  ayuu gaaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka  Galgaduud, isaga oo ka ambabaxay Magalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamnareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

 

Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug   Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *