Nin Aflagaadeeyay Diinta Islaamka Oo Lagu Maxkamadeeyay Hargeysa

Muqdisho | QOL |  Abriil 30, 2019 —Waxaa Maanta Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland xukun ay ku riday mid kamid ah ahaa Macalimiinta Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu Aflagadeeyay Diinta Islaamka ,isla markaana Maxkmadda Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ku xukuntay 2-sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Maxamuud Jaamac la Maxkamadeeyay,kaasi oo Diinta ku Aflagaadeeyay Qoraallo uu ku soo qoray Baraha Bulshada.

 

Sanadkii 2012-kii ayaa waxa uu Maxamuud Jaamac Axmed kamid ahaa  Musharraxiintii ka qayb-galay doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa.

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *