Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho | QOL | May 05, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.

 

Waxaa uu ugu baaqay dadka masaakiinta ah in ay Caawiyaan islamarkaana ay gacan qabtaan.

 

Ugu dambeyntii umadda Soomaaliyeed ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Hay adda Ammaanka si looga hortaggo Qatarta weerarada Al Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *